X

Haweenay qabtey cudurka keena Aydhiska oo arin naxdina ka samaysay Muqdisho

Haweenay qabtey cudurka keena Aydhiska ayaa arin naxdina ka samaysay Muqdisho. Dhacdadan ugubka ku ah dalka ayaa dadku ka naxay kana anfariireen.



Goobjooge isgoyska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in haweenaydan oo la ogaadey inay qabto cudurka keena Aydhiska ee loo soo gaabiyo HIV ay irbad ku durtey dirawal wata gaadhi Hindiga loo yaqaan bajaaj.

Wiilka irbada lagu durey ayaa dhulka ku dhacay asagoo qaylinaya waxana goobta soo gaaray ciidamada amniga oo isla markiiba qabtey haweenayda falka gaysatey.



Haweenaydan oo ciidamadu wareysteen ayaa sheegtay inay ka timi Hargeysa oo ayna qabto cudurkaas. Lama garanayo waxay wiilka ula doonatey cudurkeeda.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.