X

Haweenay qayb ka noqotey arooska ninkeeda oo gabadh kale la guursadey

Haweenay qayb ka noqotey arooska ninkeeda oo gabadh kale la guursadey. Markaad aqrido maqaalkan waxaad is oran kartaa malaha run maaha laakiin waa aroos loo wada taagnaa oo ka dhacay dalkaasi Masar.

Sida caadada ah marka haweenay lala guursado waxa lagu yaqaanay hinaase oo caadi ah, hinaasahaasi oo gaadha in mararka qaar haweenayda lala guursaday geysato dhibaatooyin laakiin arooskani wuxuu u dhacay si caadi ah.



Arooskan  ayaa waxa aad loogu qaadaa dhigay baraha bulshada kadib markii lagu faafiyay sawir ay ku wada jiraan arooska oo ay harreeraha ka fadhiyaan xaaskiisa cusub iyo xaaskiisii hore.



Ninka arooska ah ayaa kas waramay sababta ku kaliftey in uu xaaskale yeesho isla markaana arooskiisa uu keeno xaaskiisa uu qabo ayaa wuxuu yiri ” “Waxa I soo waajahay riyo, riyadaasi oo ahayd aniga oo gabadh kale guursanaya sababtuna  ay ahayd in aan ubad farabadan yeesho si qoyskeygu u balaarto, arrintaasi oo aan kala tashaday xaaskaygii hore, ”markii hore ee aan u sheegay ugu horayn way iga cadhootay, balse markii aan fahansiiyay way iga aqbashay waxaanan siiyay wax kasta oo farax galinayay”.



Wuxuu intaa raaciyay in xataa ay ka dhaadhicisay qoyskeeda sida waalidkeed sida guurkani u fiican yahay ayna haboon tahay inay ka soo qeybgalaan.

Warbixinta arooska oo lagu magacaabo Injineer Muctaas iyo sawirada uu soo dhigey bartiisa baraha bulshada ayay dad badan ku qanceen ayagoo markii hore u qaadan waayay sawirada.

Waxaana sheekadan laga dhadhansan karaa haddii labada lamaane ka wada showraan arin kasta oo soo wajahda ay guul ka gaari karaan. Waxa hore loo arkey nin laba xaas halmar wada aroosay deegaanka Arabsiyo ee Somaliland.

Sawirada hoose waa arooska xaaskiisa cusub iyo tiisii hore

Soo turjumidii Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 


admin:

This website uses cookies.