Tuesday, January 22nd, 2019
header

Haweenay qayb ka noqotey arooska ninkeeda oo gabadh kale la guursadey

Haweenay qayb ka noqotey arooska ninkeeda oo gabadh kale la guursadey. Markaad aqrido maqaalkan waxaad is oran kartaa malaha run maaha laakiin waa aroos loo wada taagnaa oo ka dhacay dalkaasi Masar.

Sida caadada ah marka haweenay lala guursado waxa lagu yaqaanay hinaase oo caadi ah, hinaasahaasi oo gaadha in mararka qaar haweenayda lala guursaday geysato dhibaatooyin laakiin arooskani wuxuu u dhacay si caadi ah.



Arooskan  ayaa waxa aad loogu qaadaa dhigay baraha bulshada kadib markii lagu faafiyay sawir ay ku wada jiraan arooska oo ay harreeraha ka fadhiyaan xaaskiisa cusub iyo xaaskiisii hore.



Ninka arooska ah ayaa kas waramay sababta ku kaliftey in uu xaaskale yeesho isla markaana arooskiisa uu keeno xaaskiisa uu qabo ayaa wuxuu yiri ” “Waxa I soo waajahay riyo, riyadaasi oo ahayd aniga oo gabadh kale guursanaya sababtuna  ay ahayd in aan ubad farabadan yeesho si qoyskeygu u balaarto, arrintaasi oo aan kala tashaday xaaskaygii hore, ”markii hore ee aan u sheegay ugu horayn way iga cadhootay, balse markii aan fahansiiyay way iga aqbashay waxaanan siiyay wax kasta oo farax galinayay”.



Wuxuu intaa raaciyay in xataa ay ka dhaadhicisay qoyskeeda sida waalidkeed sida guurkani u fiican yahay ayna haboon tahay inay ka soo qeybgalaan.

Warbixinta arooska oo lagu magacaabo Injineer Muctaas iyo sawirada uu soo dhigey bartiisa baraha bulshada ayay dad badan ku qanceen ayagoo markii hore u qaadan waayay sawirada.

Waxaana sheekadan laga dhadhansan karaa haddii labada lamaane ka wada showraan arin kasta oo soo wajahda ay guul ka gaari karaan. Waxa hore loo arkey nin laba xaas halmar wada aroosay deegaanka Arabsiyo ee Somaliland.

Sawirada hoose waa arooska xaaskiisa cusub iyo tiisii hore

Soo turjumidii Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

C/raxmaan Ciro oo soo bandhigi doona tirada dad ee Muuse Biixi xirey

January, 21, 2019
Gudoomiyaha xisbiga Wadani ayaa sheegay inuu soo bandhigi ...

Wasiirka duulista oo ka hadley nin ajnabiya oo lagu qabtey qalab suna

January, 21, 2019
Wasiirka duulista Somaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) oo ...

Dab khasaare dhaliyay oo ka kacay Garoowe iyo waxa sababay: SAWIRO

January, 21, 2019
Warar ka soo baxaya Garoowe ayaa sheegaya in ...

Hibo Maxamed oo tacsi ka dirtey geerida fanaan Cabdiqaadir Bagaag

January, 21, 2019
Inaa lilaah waa inaa ilayhi raajicuun waxa dhawaan ...

Ciidanka difaaca cirka ee Suuriya oo dhulka soo dhigey gantaalo Yuhuudu soo gantey

January, 21, 2019
Ciidanka difaaca cirka ee Suuriya ayaa dhulka soo ...

Dhacdooyinka

Odaygii Nikolas waan u sheegnay inuu siyaasada Somalida soo farogelin: Farmaajo

January, 15, 2019
Madaxweyne Farmaajo ayaa ka hadley ceyrintii Somaliya laga ...

Yuhuuda oo ugu dambeyn qiratey inay hub siisay argagixisada Daacish

January, 15, 2019
Yuhuuda ayaa ugu dambeyn qiratey inay hub siin ...

Madaxa Somali galbeed oo la kulmey ugaaska guud ee Samaroon: SAWIRO

January, 13, 2019
Madaxa Somali galbeed Mustafe Cagjar ayaa la kulmey ...

Sarkaal gacan u qaaday xaaskiisii hore oo jeelka loo taxaabay

January, 11, 2019
Sarkaal gacan u qaaday xaaskiisii hore ayaa jeelka ...

Raggii dilaayay Jamaal Khashowqi oo la ogaadey halka ay si toosa ula hadlaayeen

December, 10, 2018
Raggii dilaayay Jamaal Khashowqi ayaa la ogaadey halka ...

Ololaha ka dhanka ah dhibaatooyinka loo gaysto haweenka oo lagu qabtey Muqdisho

December, 8, 2018
Ololaha ka dhanka ah dhibaatooyinka loo gaysto haweenka ...

Ilhaan Cumar oo jawaab kulul siisay gaalka weyn ee Erik Jackson

December, 8, 2018
Ilhaan Cumar ayaa jawaab kulul siisay gaalka weyn ...