07/02/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Haweenay si sharci daro ah looga haystey gurigeeda Muqdisho oo lagu wareejiyay: SAWIRO

Haweenay si sharci daro ah looga haystey gurigeeda Muqdisho ayaa lagu wareejiyay. Guddoomiyaha Gobolka ayaa markii uu eegay dhammaan sharciyadii la soo bandhigay oo soo maray heerarka kala duwan, isla markaana u caddaatay in Maano Maxamed Caamir ay leedahay gurigan, waxuu si rasmi ah ugu wareejiyey furayaasha gurigeeda.



Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa qeexay in aan la ogolaan doonin in dad guryo ayna lahayn ku dhaldhalaan kuna noolaadaan xaaraantaas inta noloshooda ka hartey.



“Marna ma aqbalayno in Muwaadiiniinta Soomaaliyeed ay guryahooda xoog uga haystaan dad ku dacwoonayo sharciyo been abuur ah, Maamuulka Gobolka Banaadir waxuu mar walba u taagan yahay yahay ilaalinta nafta iyo maalka shacabka ku nool Caasimadda”.



Guryaha hadda la celiyay ayaa ka dhigan boqwoliiba hal Meesha inta badan hantidii qaranku lahaa ay gacanta ugu jiraan dad aan ehel u ahayn.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS