X

Haweenaydii keliya ee golaha wakiilada uga jirtey maamulka Somalilaan iyo guuldarada

Xildhibaan Baar Siciid waxay ahayd haweenayda keliya ee maamulka Somaliaan uga jirtey golaha wakiilada. Haddase golahaas ma jiraan wax haween ah oo la soo doortey ama ku soo baxay. Baar Siciid oo ka hadashay guuldarada ayaa sidan tiri:


”Waxa muuqata in gobolku welli diyaar u ahayd inay hogaanka ku aaminaan talada, waxaanad ogtihiin guriga iyo caruurta iyo qixiiba inay ahaayeen dumarka kuwa lagu baxay ayay tiri Baar Siciid.

”Waxaan guuldarada dusha uga tuurayaa dumarka oo iyagu ah dadk augu badan inayna xil iska saarin inay soo saaraan tiro dumara, ragga laftooda qabyaalada ayay wax hogaaminaysa.


”Waxa jira fursadi badan oo aan anigu ka faaiideystay oo dumarka hadda ayna haysan ayay tiri Baar waxaanse qabaa in kootadii dumarka la soo celiyo sidaana dumarku ku helaan matalaada ay u baahan yihiin.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.