X

Axmed Madoobe oo Kiiniya ka duwaya duqeyntii ay ku xasuuqday shacabka

Maamulka Axmed Madoobe ayaa markale ka hadlay xasuuqii Kiiniya ka gaysatey gobolka Gedo laakiin hadda eeda ka weecinaya Kiiniya. Masuul waraysi bixiyay oo u hadlay Axmed Madoobe ayaa sheegay inaan lala socodsiin weerarkaas.


”Anagu waxaan ka mid nahay dawlada dhexe iyadaana ka masuula dalka, markaa anagu ma ogin cida weerarka gaysatay Kiiniya keliya maaha kuwa wax weerara, waxa ku jira Itoobiya iyo Maraykanka ayuu yiri afhayeen u hadlay Axmed Madoobe.


Ma la weydiiyay inay Kiiniya kala hadleen ayuu diidey inuu afka ku balaariyo maadaama ay yihiin la haystayaal. Fadeexada ugu weyn ayaa ah in kooxda Kiiniya ku hayso Kismaayo ayna ka hadli karin, markasatana afka ku balaariyaan maxaa Kiiniya loo haystaa.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.