November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Haweenaydii nolosha ku aastey Ruqiya Siciid sanadkii hore oo maanta goob fagaare ah lagu toogtey

Maamulka Siilaanyo ayaa ugu dambeyn toogtey haweenay sanadkii hore kula kacdey haweenay lagu magacaabo Ruqiya Siciid Ayaanle dil kadibna nolosha ku aastey isla gurigeeda dhexdeeda. Haweenaydan sida xun u dishey Ruqiya ayaa kaliya u dishey lacag amaha oo ay bixin weyday.

Sida uu saxaafada u sheegay wiil ay walaalo yihiin Ruqiya Siciid ayaa xaqiijey in gobolka Saaxil lagu toogtey saaka hooyo iyo wiilkeeda oo ka qayb qatey xasuuqa Ruqiya Siciid.

Waxaana Toogashada saaka dhacday warbaahinta qaar u xaqiijiyay Cabdirisaaq Siciid Ayaanle oo ay walaalo yihiin Ruqiya siciid Ayaanle, Sidoo kalana waxaa wararku sheegayaan in deegaankaasi uu saaka ka dhacay Qisaas lagu fuliyey nin kale oo wax diley.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS