X

Haweenaydii ugu buurneyd aduunyada oo Masaari ahayd oo geeriyootey

Haweenaydii ugu buurneyd aduunyada oo Masaari ahayd ayaa geeriyootey. Iiman Axmed Abdi El Aty ayaa sanadkii hore dhaqtar Hindiya ku yaala u tagtey si ay miisaanka isaga rido.

Haweenayda oo Masar ku nooleyd ayaa la cadeeyay in ay ku dhimatey isbitaal ku yaala Abu Dabay halkaas oo ay ku jirtey intii ay Hindiya ka so noqotey.



Isbitaal ku yaala Abu Dabay ayaa sheegay in 37 jirku u dhimatey wadnaha iyo kalyaha oo shaqayn waayay taas oo ay ugu wacneyd xanuuno kale oo ay qabtey.

Waxay sheegeen in ay lumisay miisaan gaaraya 300 oo kiiloo. Qoyskeeda ayaa hore u sheegay in ay ku qasaareen qaliinkii Hindiya ay ugu qaadeen oo been laga sheegay miisaanka ay lumisey.



Iimaan ayaan guriga ka bixin muddo 25 sano ah.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.