November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Haweenaydii ugu horeysay oo Muslima oo Yurub madax ka noqonaysa

Haweenaydii ugu horeysay oo Muslima ayaa madax ka noqotey dal Yurub ku yaala oo muddo hore la dagaalami jirey Muslimiinta waligiina ahaa dal Shuuci ah ama hantiwadaaga. Sevil Shhaideh waa 52 jir Muslim ah.

Waxay ka soo jeeda qawmiyada Ruushku baabiiyay ee Tatarka hadana degta dhamaan wadamada Yurub ee ku teedsan Turkiga ilaa Ruushkii hore.

Sababta haweenaydan ku noqonayso raiisal wasaaraha dalkaasi Roomaaniya ayaa ah ninka xisbigu jecelyahay oo ay ku socdaan dambiyo badan iyo baadhitaano badan. Waana codsi ka yimi madaxweynaha in ay keenaan qof aan dambi gelin oo nadiifa.

Sevil Shhaideh ayaa guursatey nin Siiriyaana waxayna guryo ku leedahay Siiriya.

Romaniya oo boqolkiiba 80 ah gaalada Kiristaanka ah ayaan suaalo iska waydiin magacaabista raiisal wasaaraha. Sevil Shhaideh ayaa ah haweenay aqoonleh.

Sevil Shhaideh ayaa la filayaa in dhawaan madaxweynuhuna ogolaado kadibna lagu xaqiijiyo raiisal wasaarenimadeeda codka barlamaanka oo xisbigeedu aqlabiyada haysto.

20161222636180111142991521Sevil_Shhaide[1]

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS