November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Haweeney Soomaali ah oo qori ku joojisay gaari xamuula degmada Caabud-Waaq iyo waxa kalifay

Sawir laga qaaday Haweeney Soomaaliyeed oo ka tirsan shacabka degmada Caabudwaaq ayaa maalmahan qabsaday baraha bulshada, kaasoo muujinayey iyadoo qori la hor taagan gaari TM ah oo galaya degmadaas.



Kiin Seeraar Colaad oo ka tirsan ganacsatada Qaadka ee magaalada Caabudwaaq ayaa sheegtay in qori ay ku ilaashaneysay meheradeeda Qaadka ay la hor istaagtay gaari wayn oo kuwa xamuulka qaada ah, waxayna darawalkii ku amartay inuu joojiyo gaariga si loo baaro.



”Waxa ka dhacay Muqdisho 14-kii bishan waa xasuuq aanan weligeen iloobi doonin. Aad ayaan isaga ilaalinaynaa baabuurta xamuulka ee soo galaya magaaladeena. Markii aan aragnay baabuur noocii oo kala ah oo soo galaya magaaladeena, waynu argagaxnay” ayey tiri Kiin oo talaabada ay qaaday qeybaha bulshadu soo dhoweeyeen.



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS