X

Haweenka Afqaanistan oo diidey inay shabag wejiga ku xirtaan iyo Bakistaan oo duqeysay

Banaanbax balaadhan oo loga soo horjeedo dhiigmiiratada Daalibaan ayaa ka dhacay guud dalkaasi Afqaanistaan qaasatan gobolada ayna deganayn qowmiyada badhaanta ee Daalibaanku u badan yihiin.


Haweenka dalkaasiu ayaa diidey inay wejiga ku xirtaan shabag ama dharka keliya ee loo ogolyahay noqdo marada madow. ā€¯Diidney xiran meyno shabag ayay ku qayliyeen boqolaal isugu soo baxay caasimada Kaabuul oo hadda ah mugdi intii dhiigmiiratada lagu wareejay xukunka.

Haweenkan ayaa dhinaca diidey inay guryaha ka soo bixin wacadna ku maray inay shaqaysan doonaan. Dhigmiiratada ayaa rasaas cirka u riday xilli marhore rasaas ay sidan u rideen ay ku dhinteen in ka badan toboneeyo kadibna garaacay dadka isku soo baxay.


Duqeyn Bakistaan gaysatay

Dhinaca kale dagaalka welli socda ee dooxada Banjir ayaa waxa ka qayb qaatey diyaarado ay leeyihiin Bakistaan ayagoo taageersan dhiigmiiratada Daalibaan maadaama gobol ak mida Bakistaan ay degan yihiin isla qabiilka Badhaanta ee Daalibaanka u badan.


Iiraan ayaa walaac ka muujisay diyaaradaha ajaanibta ee ka qayb qaatey dagaalka dooxada Banjir oo ay degan yihiin qowmiyada Tajig. Dalka Tajikistaan ayaa iyana sheegtay in Bakistaan jabisay heshiiskii nabadeynta ee Afqaanistaan.

Sawirka hoose waa dhiigmiiratada Daalibaan rabaan

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.