X

Qofkii sadexaad oo u dhinta qaadashada daawada hargabka Karoona dalkaasi Jabaan

Masuuliyiinta caafimaadka ee dalkaa Jabaan ayaa sheegay in qofkii sadexaad dhintey kadib markii la siiyay daawada hargabka Karoona nooca loo yaqaan Modeerna. Qayb ka mida daawadaa ayaa la sheegay in laga helay bir.


Qofkan u dambeeyay oo 49 jir ahaa ayaa dhintey kadib markii uu qaatay talaalkii labaad isla subaxdii dambe. Waxa hore ugu dhintey laba kale oo iyaga da’dooda lagu sheegay sodomeeyo.


Ninkan 49 jirka ah ayaa la sheegay inuu xasaasiyad ka qabay qamadiga qayb ka mida laakiin aan la sheegin inuu qabay xanuuno kale. Qaybta ka mida daawadan ee birta sunta laga healy ayaa laga soo celiyay bakhaarada ay ku jirto.

Rashiid Ceelanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.