X

Haweenka Sacuudiga oo markale helay xoriyad ka maqnayd

Haweenka Sacuudiga ayaa bilihii u dambeeyay helaayay xaquuqo kala duwan oo ka maqnaa muddo ka badan 39 sano. Waxay labadii sano ee u dambeeyay heleen inay gaadhi kaxayn karaan ama dalban karaan taysaro.


”Waxa loo ogolyahay inay xajka aadi karaan ayagoo aan fasax uga qaadan waalidkooda ama waxa loo yaqaan qofka masuulka ka ah oo xataa noqon kara wiilkeeda.

Sacuudiga ayaa sanadkii labaad u diidey Muslimiinta dibedda joogta inay xajiyaan keliyana ogolaaday kuwa gudaha oo gaaraya 60kun.


Xoriyadaha ay helayaan haweenka ayaa sii socon doona sida inay xiran karaan dharka ay jecelyihiin kuna tagi karaan suuqa. Hadda waxa loo ogolyahay keliya inay xirtaan dharka madow, wejigana ka furan karaan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.