23/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Haweenka Sucuudiga oo markii ugu horeysay codeynaya iyadoo ay sharaxan yihiin in ka badan sagaal boqol

Haweenka Sucuudiga oo aan loo ogoleyn in ay dibedda ula baxaan dhar aan ahayn dharka madow iyo wajigoo dabaalan isla markaana aan loo ogolayn in ay gawaadhida wadaan ayaa markii ugu horeysay codeynaya.

Waxa ilaa hadda sharaxan in ka badan sagaal boqol oo haweena una sharaxan gobolada dalka Sucuudiga. Haweenka codkooda dhiibtey ayaa aad u faraxsan xoriyada CODKA ee ay heleen iyagoo rajaynaya in ay ku xigta in gawaadhidana loo ogolaado.

Dhaqamadan Sucuudiga uu ku hayo haweenka ayaa ka dhigaya dalka kaliya ee RAGOODU ku soo tuntaan dalalka carabta xorta ah sida Lubnaan, Masar, Siiriya, Tuunisiya halka dumarkoodana ayna u ogoleyn in ay guriga ka baxaan.

Sucuudiga ayaa dhaqamadiisa guracan ku soo faafiyay dalal fiqiira oo ay ka mid yihiin Somaliya, Afganistaan iyo dhamaan wadamada Musimka ah ee ay ka dhaceen dagaaladu.

Natiijada codadka ayaa la rajaynayaa in ay soo baxfo isla manta wayna rajaynayaan haweenku in ay kuraas helaan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM