X

Hay’ada caafimaadka aduunka oo war ka soo saartay cudur ka dilaacay Mongooliya

Hay’ada caafimaadka adduunka ayaa war ka soo saartey cudur halisa oo ka dilaacay Mongooliya haddana ku faafay Shiinaha. Cudurkaan ayaa la sheegay inuu hore u diley kumanaan qaaradaha aduunka ah qarniyo hore.


”Waan la soconaa cudurkaas ilaa haddana wuxuu ku kooban yahay meelo yar waanan xanibney ayaa yiraaheen qoraal ay soo saareen. ”Waxaan xiriir wada shaqayn oo fiican la leenahay wadamada uu aafeeyay ee Shiinaha iyo Mongooliya ayay raaciyeen.

Maxaa laga qaaday cudurkan

Cudurkan waxa keena bakteeriya ku nool xayayaanka jirku ugu weyn yahay ee ku nool godadka iyo dhulka hoostiisa ee diiniyan muslimiintu cunin laakiin wadamadaas Shiinaha iyo Mongooliya ka ah cunto la raadsado.


Bakteeriyada ayaa u soo gudubtey dadka waana halka cudurku ku sii faafay sida ay sheegeen khuburada hay’adda caafimaadku.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.