X

Madaxweyne iska indhatirey cudurka Kooro oo uu ku dhacay

Madaxweynaha dalkaasi Barasiil ayaa sheegay inuu haleelay cudurka Kooro oo uu iska indhatirey. Waxa madaxweynahaasi diidanaa in la xidho dalka. Waxase dhowr jeer oo la baaray laga waayay cudurka. ”Waxaan dareemay in aanan fiicnayn maalmihii sabtida iyo Axada kadibna waxaan ogaadey inaan qabo cudurka Kooro.


Waxa la igu wadaa daawooyin ka hortaga cudurka iyo mida kaneecada ee hore Taram u amaanay laakiin ay diidey hay’ada caafimaadka aduunka ayuu raaciyay madaxweynaha.


Wuxuu ahaa madaxweynihii ugu horeeyay ee maxkamadu amarto inuu xirto san iyo afqarsiga. Inkastoo uuu xirtey markii dambe. Wuxuu leeyahay caafimaadkeygu waa fiican yahay.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.