London–Hay’ada Ingiriiska u qaabilsan kor u qaadida tayada caafimaadka ee loo soo gaabiyo NICE ayaa ka digtey in dadka badan hal milyan oo qaangaadha si qaldan loogu sheegay in ay qabaan cudurka Xiiqda ama Asma ama neef qabatow. Dadkaan ayay sheegtay in ayna marin wadada saxda ah ee ah in la cadeeyo in qofkani qabo neef qabatow.
Dhaqaatiirta Ingiriiska ayaa talada ay haystaani ay tahay in kaliya qofka eegaan taariikhdiisa iyo in uu soo lahaa cudurka neef qabatow kadibna halkaas ugu sheega in uu leeyahay cudurka xiiqda ama neef qabatow.
Hay’adan ayaa hadda soo jeedinaysa in qofka la marsiiyo wadada cadaynaysa in uu leeyahay cudurka oo ah in la cabir tuurista naqaska halkaasna uu ka bilaabmo baadhitaanka hore halka la iska qiyaasayo.
Dadka ayaa la farayaa in daawooyinka ay hadda qaataan aan la joojin laakiinse ay la xiriiraan dhaqaatiirtooda si dib loogu baadho.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS