X

Hay’adda lacagta aduunka oo dawlada ku amaantey guulaha dhinaca maaliyada

Hay”adda ugu weyn aduunka ee amaahisa deymaha dalalka soo koraya ee loo yaqaan IMF ayaa amaantey hanaanka siyaasada dhaqaalaha ee ay ku kacdey dawlada dhexe ee Somaliya mudadii ay jjrtey. Hay’adda lacagta aduunka ayaa warbixin ka soo saartey kobaca dhaqaale ee dalka.


Warbixintan ay soo saartey hay’addu ayaa timi kadib dadaalkii wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ay u gashey sidii muwadiniintu loogu baraarujin lahaa ahmiyadda ay leedahay bixinta canshuuraha, waxaana hay’adda (IMF) ay xustay in sanadkan 2019 uu jiro horumaro ballaaran oo dowladdu ay ka gaartay xagga daqliga.


Arrintan ayaa lagu sheegay in ay ku timid go’aan dhab ah oo ay latimid dawladda Soomaaliya, iyadoo muujisay in barnaamijkaasi si dhab ah loo hirgeliyo, lana sii joogteeyo, inkastoo lagu xusay in caqabado ay iska jiraan.

‘’Dhaqaalaha Soomaaliya waa uu sii kordhayaa, dib ayuuna u soo kabanayaa, balse waxaa loo baahanyahay in la sii xoojiyo dadaalka loogu jiro kobcinta dhaqaalaha, si loo yareeyo faqriga iyo gaajada, ayaa lagu yiri qoraalkaasi.


Warbixintan ayaa muujinaysa in Somaliya loo ogolaan karo deyn ay dib ugu dhisto kaabeyaasha dhaqaalaha ayadoo hadda kharashka soo galaa uu ku baxo mishaharka shaqaalaha iyo askarta.


admin:

This website uses cookies.