X

Amisom oo warbixin ka soo saartey tirada guud ee ciidanka Somaliya

Saraakiisha ciidanka Afrikaanka ee ku sugan Koofurta dalka ayaa soo saaray warbixin guud oo ku saabsan tirada ciidanka Somaliya ee la dagaalama kooxda gaalaynta. Tiradan waxay ku egtahay ilaa Puntland.


Qoraal ay Amisom ku soo saartey oo ay u gudbisay wasaarads Amniga ayaa lagu sheegay in Ciidamada maamul goboleedyada iyo kuewa dawlada dhexe oo laysku daray ee la dagaalaa kooxda gaalaynta muslimiinta ee Shabaab ay kor u dhaafeen 20,000 sidaas darteedna ay qayb ka noqon karaan qorshaha kala guurka Soomaaliya.


Waxaa kale oo warbixinta lagu sheegay in maamulka Galmudug oo ayna ka jirin wax horumara uu hoggaaminayo tirada ugu badan ciidamada, ay ku xigaan Puntland, Jubba, Koofur Galbeed ayna ugu dambeyso Hirshabeele.


Waxyaabaha kale ee sahanka lagu soo ogaaday waxaa ka mid ah in inta badan Ciidamadaas ay qabaan tababarka aas aaska ah ee Milatariga laakiin aysan heysan labiska ciidamada oo ay adagtahay in la garto.

Somaliya ayaa waxa saaran cunaqabatayn  hubka ah taas oo aan u samaxayn inay ceyrsato argagixisada dadkeedana wax u qabato.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.