Hay’adda sirdoonka NISA ayaa joojisay qandaraasyo uu saxiisay wasiirkii hore ee amniga. Hay’adda ayaa sheegtay inay malaayiin doolar ku baxeen qandaraasyadaas oo u muuqda in aan loo baahneyn.
Hay’addu ma sheegin sababta ay u joojisay qandaraasyadaa in waxa markii horeba uu u bixiyay wasiir hore oo amniga ah.
“NISA waxay hakisay una gudbisay Hanti-dhowrka guud ee Qaranka, qandaraasyo malaayiin doolar dhan, oo baxay sanadihii lasoo dhaafay, uuna saxiixay Wasiirkii hore ee amniga, si uu u baaro uguna gudbiyo hay’adaha ay khuseyso” ayaa lagu yiri Warkan ka soo baxay barta baraha bulshada ee NISA.
Musuq aad u baahsan ayaa haysta dalka oo dhan. Wasiirka la eedeeyay C/risaaq Cumar Maxamed oo hadda ah xildhibaan ayaa iska difaacay eedaynta sheegayna in ay tahay dacaayad raqiisa laakiin ma shegin waxa uu ka ogyahay malaayiinta doolar ee uu saxiixay.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay