X

Hay’adda sirdoonka oo soo bandhigtey argagixis isa soo dhiibey

Hay’adda sirdoonka qaranka ee loo soo gaabiyo magaca afka qalaad ee NISA ayaa bandhigtey argagixis isa soo dhiibey oo muddo ku jirey marin habaabinta ummada. Lama garan karo inta Muslimiin ee gacantiisa ku baxdey.


Argagixiskaan oo ka soo jeeda gobolada Bay iyo Bakool ayaa lagu magacaabaa Mukhtar Mohamed Abdi waxaana uu ku magac dheer yahay (Mukhtaar Ganeey) waxaana la sheegay in markii uu isa soo dhiibaayey uu la soo xariiray Hay’adda NISA.

Waxaa uu sheegay in Hay’adda Nisa ay u sahashay in uu isa soo dhiibo, islamarkaana uu kasoo goosto dhiigmiiradka kooxda gaalaynta ee Shabaab.


Diyaarad ayaa argagixiskaan ka soo qaaday Baydhaba iyadoo la geeyay mid ka mid ah xeryaha ay maamusho NISA.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa isa soo tarayay argagixisada isa soo dhiibaya xili uu gabalkoodii dhacay waxaana tani loo arkaa xeelad cusub oo NISA u adeegsaneyso la dagaalanka kooxda gaalaynta.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.