X

Raiisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo is-faham la gaaray horjooge Xaaf: SAWIRO

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa heshiis la galay horjooge Xaaf oo rabay inuu waqti ku darsado laakiin laga diidey. Xasan Cali Kheyre oo ku sugan Cadaado ayaa diyaariyay doorasho aan ku darsi lahayn.


Heshiiska oo iska macmala maadaama ayna joogin madaxda kale ee Galmudug sida Ahlu sunna oo aad ugu xoogan qayb dhan oo ka tirsan Galgudud ayaa ah mid aan macno weyn samaynay sida ku qoran qodobada hoos ku qoran.


  1. Madaxdu waxay si wadajir ah u bogaadiyeen soo dhaweyntii diirranayd ee 26kii Juun, 2019 loogu sameeyay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre magaalada Cadaado.
  2. Waxa ay isla garteen in la dajiyo geeddi socodka iyo hannaanka dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka si loo helo Galmudug mideysan.
  3. In maamulka Galmudug ay qaadato kaalinteed kaga aadan arrimaha dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka iyada oo kaashanaysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
  4. Si ay u noqoto caasimad loo dhan yahay oo leh maqaamkeeda waa in hay’adaha amniga ee dawladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Galmudug ay si buuxda uga hawl galaan magaalada Dhuusamareeb.

In Dowladda Federaalka Soomaaliya ay soo celiso kabistii miisaaniyadeed ee Galmudug si loo dar dar galiyo arrimaha amniga iyo adeegyada kala duwan ee bulshada Galmudug.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.