November 20, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Hay’adda Turkiga ee dhisaysa biyo xidheenka Xumbuli ee Jabuuti oo warbixin bixisay

Hay’adda Turkiga ee dhisaysa biyo xidheenka Xumbuli ee Jabuuti ayaa warbixin bixisay. Biyo xidheenkan oo lagu tilmaamay mid saaxiibtinimo oo u dhexeeya Jabuuti iyo Turkiga ayaa dhiskiisa lagu heshiiyay sanadkii 2014.

Shirkada biyaha ee dalkaasi Turkiga ayaa sheegtay in biyo xidheenkan uu marayo dhexdhexaad intii loogu talogalay oo la rajaynayo inuu dhamaado sanadka soo socda.



Ujeedada biyo xidheenka ayaa ah laba arimood in dadku u isticmaalaan biyo ay cabaan iyo in uu hakiyo daafka sida tooska u imaanaya caasimada Jabuuti.



Xiriirka Jabuuti iyo Turkiga ayaa sare u kacay markii madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu booqdey Turkiga sanadii 2009 halka kan Turkiga Erduqaan isna yimi 2015.

Sawirka hoose waa dooxada Xumbuli iyo heerka dhismaha

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS