18/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Hay’ado gargaar oo Muslimiina oo ka qaybqaatay dib u dhiska kaniisado madow ah oo la gubey

Sadex hay’adood oo muslim ah ayaa bilaabay in ay lacago u ururiyaan kaniisado madow ah oo dab la qabadsiiyay bishii hore gobolada Koofurta dalkaasi Maraykanka oo inta badan dhaqan ahayd in ay degan yihiin dad asal ahaan neceb dadka madow. Kaniisadahan ayaa dab la qabadsiiyay iyadoo dhinaca kalana la dilay ugu yaraan sided madow oo ka tirsan kaniisada.

Hay’adahan muslimiinta ayaa yoolkoodu yahay in ay ururshaan ilaa 30,000 oo doolar ilaa hadase waxay marayaan 28,000 oo doolar. Waxayna sheegeen in haddii ay muslim yihiin ay ogyihiin dadka taagta daran ee bulshada ee carabka ku haya rabigooda.

Ujeedada laga leeyahay ayaa ah in Muslimiintu xulafeystaan kuwa sidooda ah ee laga tirada badan yahay gobolada ay ka jiraan midabtakoorka casriyeysan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM