12/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Heshiiskii Xasan sheekh iyo maamul goboleedyada ee doorashada 2016 oo la saxay

Guddiga Baarlamaanka u saaray dib u eegista iyo turxaan bixinta heshiiskii Xasan Sheekh iyo maamul goboleedyada qaar laguna sheegay la masdasha qaranka ee doorashooyinka sanadkan ayaa la sheegay in la saxay.

Xildhibaan C/llaahi Jaamac oo ka mid ah guddiga ayaa sheegay in Guddiga uu wixii sixid u baahnaa uu saxay, wixii khaladna ahna saaray, si loo helo is bedel mustaqbalka siyaasada Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in maalmaha soo socda Baarlamaanka la hor-geynayo heshiiskaas, si wixii ay dib u eegista ku sameeyeen loo ansixiyo.

Kulamo xalay dhex maray Guddigan, Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa la sheegay in la isku mari waayay, markii Madaxda dowladda ay ka dalbadeen Guddiga in aanay wax ka bedelin qodobada qaar, isla markaana sideeda lagu anisixiyo.

Heshiiskii Madasha wadatashiga Qaran ayaa waxyaabaha dhigayay waxaa ka mid ahaa in Aqalka sare ee Baarlamaanka laga soo kala xulo Somaliland, Puntland, Jubbaland, Koofur Galbeed, Galmudug iyo Maamulka dhismaya ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, iyadoo laga qadiyay Gobolka Banaadir.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS