X

Hindi shan gabdhood leh oo jeexay caloosha xaaskiisa uurleh

Magaalo ku taal dalkaasi Hindiya ayaa dadka magaaladu aad uga argagaxeen nin Hindi ah oo leh shan gabdhood oo caloosha ka jeexay xaaskiisa oo sida ilmihii lixaad. Haweenayda uurka leh ayaa loola cararay isbitaalka ugu dhow si loo badbaadiyo.


Waxana la sheegay in xaalkeedu aad u xunyahay sida ay sheegeen dhaqaatiirta isbitaalku. Haweenayda ayaa laga deyrinayaa xaalkeeda.

Sidee wax u dhaceen maxaase kelifay

Ninkan ayaa u tagay wadaad sanam caabuda oo u sheegay in ilmaha lixaadna noqonayo gabadh halka uu wiil sugaayay.


”Waana ta ku kaliftey inuu jeexo caloosha xaaskiisa asagoo ka caraysan ilmaha lixaad ee lagu sheegay gabadha. Hindida sanam caabudka ah ayaa aad u neceb gabdhaha maadaama ay siiyaan lacago farabadan ninka guursada.

Haddiise uu wiil dhash ma haysato lacag bixintaas faraha badan dhaqanka sanam caabudka Hindida.

Faahfaahinta booliiska kahor weerarka

Booliiska ayaa sheegay in markii wadaadka sanam caabudka ahi u sheegay in ilmaha noqonayo gabadh uu ninku u yimi xaaskiisa si ay ilmaha iskaga soo rido laakiin xaaskiisu diidey inay soo rido.


”Wuxuu kadib ku weeraray majaraha lagu gooyo dalaga beeraha ayay yiraaheen booliiska. Waxa intaas u dheer in xaaska iyo shanta gabdhood uu garaaci jirey si joogta ah sida ay xaqiijeen ehelada xaaskiisa.

Hindiya oo ah dal aad u fiqiira dhinacna dhaqaale badan haysta ayaa ah wadamada u musuqa badan aduunka lagamana yaabo in haweenaydaas hesho cadaalad.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.