Hir Shabeelle oo yeelatay horjooge cusub iyo codadka uu helay. Xildhibaanada maamulka Hirshabeelle ayaa maanta u doortay Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ka dib doorasho ka dhacday Magaalada Jowhar.
Doorashadda oo ay ku tartamayay Musharaxiin gaaraya ilaa iyo sideed Musharax ayaa ugu dambeyntii, waxaa isku soo haray wareegii ugu dambeeyay Maxamed Cabdi Waare iyo sidoo kale Daahir Cabdulle.
Maxamed Cabdi Waare ayaa horay ula tartamay Madaxweynihii xilka laga qaaday Cali Cabdullaahi Cosoble.
Guddiga doorashada ayaa sheegay in Waare uu helay 74 cod ,halka Daahir Cabdulle Cawaale uu helay 23 cod, waxaana codeeyay 97 Xildhibaan.
Madaxweynahan cusub ayaa la caleemo saari doonaa 27 bishan sagaalaad.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay