19/01/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Hogaamiyaha argagixisada ugu weyn caalamka Baqdaadi oo cajalad ku soo hadlay dhalintana u sheegay in ay u dhintaan isaga

Iyadoo dawlada Ciraaq ay ciidankeedu galeen magaalada taariikhiga ah ee Moosul ayaa hogaamiyaha argagixisada ugu weyn oo isagu aan dagaalka ku jirin uu cajalad iska soo duubey u sheegayo dhalintii uu khaldey in ay isaga u dhintaan.

Xoogaga Kurdiyiinta iyo qabiilada Carabta ee degga dhulka argagixisadu qabsatay ayaa soo galay Moosul waxayna ku talo jiraan in ay nolol ku qabtaan argagixiska ugu weyn ee isku magacaabay Abu baqdaadi oo aan ahaynmagaciisa saxda ah.

Baqdaadi ayaa cajalada dhalinta faray in ay u dhintaan isaga xilli uuna sheegin in u dagaalka ka qaybgalayo isna QARXINAYN.

Dadka siyasasada argagixisada indha indheeya ayaa isku raacay in argagixis BAQDADI ku dhuuman dono dharka madow ee dumarka ee uu ku khasbey hablaha Ciraaq.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS