Hogaamiyaha dalkaasi Woqooyiga Kuuriya ayaa go’aansaday in saacada dalkaasi dib loo dhigo nusaac taas oo ka dhigeysa in dalkaasi uu nusaac ka dambeeya jaarkiisa Koofurta Kuuriya iyo Jabaan. War laga soo saaray dalkaasi ayaa lagu sheegay in shan iyo tobanka bishan uu dalku isticmaali doono saacada cusub.
Masuuliyiinta dalkaasi ayaa sheegay in gumeysigii Jabaanku hore u dhigey saacada oo markii hore ahayd sida ay noqon doonto shan iyo tobanka bishan.
Kuuriya maaha dalka kaliya ee saacadooda hore u dhiga ama gadaal. Waxa jira wadamada Yurub qaarkood in ay saacad isaga darsadaan xilliyada kuleylaha qaboobahana saacad ka jaraan.
Wadamada sanadahan saacadahooda dib u dhigey waa Vinansuweyla oo nusaac dib u celisey saacadooda iyo jasiirada Samoa ee qaaradaha Ustareeliya oo iyagu hal maalin dhan ka saaray waqtiga.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS.COM
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay