X

Hogaamiyaha Jejniya oo ka codsaday Buutin inuu ku fasaxo

Hogaamiyaha gobolka Muslimiintu degan yihiin ee Jejniya Khadiiroof ayaa ka codsaday madaxweyne Buutin inuu ciidankiisa u ogolaado inuu ka barbar dagaalamo kan qaranka.


Khadiiroof oo aabihii la dagaalamay Ruushka xilligii uu burburey midowgii Soofeeti isagoo wata xagjiro ayaa xukunka gobolka lagu wareejay iyo malaayiin doolar oo dib loogu dhiso dhaqaalaha gobolka.


*Ma daawan karno dhimashada ciidanka Ruushka ee ay dilayaa calooshood u shaqaystayaasha laga soo kiraystey Maraykanka iyo Ingiriiska ayuu yiri Khadiiroof.



Waxaan diyaar u nahay inaan xoreyno magaalooyinka waaweyn ee Kaarkiif, Kiyeef, iyo Matibool kana xoreyno cunsuriyiinta Yukrayn. Khadiiroof ayaa marhore diyaariyay 12kun oo ciidan oo qaarkood la geeyay meelo gaara.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.