X

Madaxweynaha Ruushka oo ka hadlay sida cunaqabatayntu u saamaysay iyo Turki oo

Maraykanka ayaa cagajugleyn badan awgeed ku qasbay reer Yurub inay saaraan cunaqabatayn Ruushka tii ugu adkayd inkastoo ilaa hadda ay ka baqeen inay abaaraan dhinaca Ruushka ugu muhiimsan ee saliida iyo gaaska.


Madaxweyne Buutin oo markii ugu horeysay ka hadlay cunaqabatayntaas ayaa sheegay inay taabatey wadanka laakiin ay ahayd arin ay hore uga taxadireen ogaayeena, waxaadse ku darsataa inay aad u hayso kuwa soo rogey laftooda ayuu raaciyay Buutin.

Turkiga oo ka mida wadamada aan iyagu ku soo rogin cunaqabataynta dalka Ruushka ayaa sheegay inay ku ducaysanayaan in hawl-galkan uu degdeg u dhamaado.


“Waxaan casaan nahay ugu yaraan 2 bilyan oo doolar oo nooga imaan jirey Ruushka iyo Yukrayn. Turkiga ayaa inta badan u dhoofiya Ruushka khudaarta noocyadeeda kala duwan, haddana gawaadhidii siday khudaartaas xadka ma dhaafayaan dagaalka awgeed ayuu yiri masuul u hadlay wasaarada ganasiga.


Waxaan ku qasbanahay inaan dalka gudihiia dib uga iibino taas oo miciishada hoos u dhigi doonta. Sidoo kale Yukrayn ayay alaabo kale iyo dharkaba u dhoofiyaan inkastoo ayna u badnayn sida Ruushka.


Dhinaca kale dhaqaalaha reer Yurub ayaa hoos u dhacay ayadoo miciishada ay ku qaali garowdey dadka masaakiinta ah maadaama qamadiga ugu badan laga soo iibsado iska Ruushka iyo Yukrayn.



Waxa ka sii daran saliida iyo gaaska oo jooga qiimihii ugu sareeyay muddo sanado ah taas oo waxkasta cirka ku shareeray marka madaxweynaha waa runtii iyaga laftooda faaiido ma qabaan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.