Hogaamiyaha da’da yar ee Woqooyiga Kuuriya oo saxaafada Maraykanku sheegeen inuu dhintey ayaa ka soo uqdey telefishanka dalkaasi asagoo xadhiga ka jaraya warshad bacramin ah. Hogamiye aadka u adag ee Kim ayaan ka muuqan wax is bedela.
Xagjir Taram ayaa Jimcihii sheegay inuu ogyahay xaalada hogaamiyaha laakiin aanu rabin inuu hadda ka hadlo. Saxaafada Taram ayaa sheegtay inuu qaliin ku xumaaday haddana xaalkiisu xun yahay inkastoo madaxda Koonfurta Kuuriya sheegeen in ayna arag wax isbedela iyo cilad.
Hogaamiyaha oo qoslaya oo aan xirnayn af-qaris ayaa furida warshada kadib sawiro la galay wasiiradiisa qaar iyo weliba walaashii oo ag taagan. Waxa dhinaca kale safnaa shaqaalaha warshada oo afka xiran.
Waxay ahayd usbuuc kahor markii saxaafada reer galbeedku ay butaaceen been ayagoo haba yaraatee aan keenin wax cadayna ilaa ay gaareen wuxuu ku dhaawacmey gantaal tijaabo.
Sawirada hoose waa hogaamiye Kim
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS