X

Qofkii ugu horeeyay oo Boorama ugu dhintey cudurka Kooro

Maamulka Somalilaan ayaa xaqiijay in qofkii ugu horeeyay ugu dhintey cudurka Kooro magaalada Boorama. Shaqsiga u dhintey xanuunkan ayaa la sheegay inaanu gobolka ka bixin.


Shaqsigan oo aan la sheegin magaciisa ayaa ku jirey takoor, kadibna waxa la sugaayay natiijada dheecaan laga qaaday isaga iyo dad kale oo la takoornaa.


Waxase la sheegay in uu geeriyooday inta la sugaayay natiijada. Haddase waxa la sheegay in uu u geeriyooday cudurka Kooro, taas oo ka dhigeysa qofkii ugu horeeyay ee u dhinta xanuunka Awdal ama Woqooyiga Somaliya.


Dawlada Somaliya ayaa sheegtay in xanuunkii sii kordhaya dhamaan gobolada dalka, ayadoo maamulka Butlaan xaqiijisay in qof uu dhintey xanuunka.

Tirada guud ee dadka u dhintey cudurka ayaa noqonaysa 30 dalkoo dhan, ayadoo la sugayo warbixinta Jimcaha ee wasaarada caafimaadka ee dawlada dhexe.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.