12/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Hogaamiyaha Xuutiga Yaman oo yasay weerarka Salafiga Sucuudiga ku hayo dalkiisa sheegayna inuu fashilmay

Sanca–Salafiyiinta Sucuudiga ee xalaalaystay dhiiga reer Yaman ayaa duqeyn ku dilay ilaa 150 labadii maalmood ee u dambeeyay iyadoo xaalada Cadan wali ay tahay mid cakiran. Weerarkii ugu dambeeyay ee dhinaca cirka ayaa Salafiga Sucuudigu ku burburiyeen bakhaar u kireysnaa hay’ada Oxfam oo sheegtay in iyadu hore u siisay Sucuudiga goobaha ay ku leeyihiin bakhaarada.

Hay’ada ayaa sheegtay in bakhaarkaas ay yaaleen mucaawino ee ayna oolin wax milatari ah. Caasimada Yaman ayaa hadda holcaysa kadib markii Salafiga Sucuudigu weerartay kaalin shidaal oo ku taal caasimada oo ahayd goobaha wali shaqeeya.

Maraykanka ayaa hub siiyay Xuutiyiinta Cadan taas oo keentay in weerarkii lagu qabsan lahaa Cadan uu hakad galo xataa meelaha qaar ka soo baxeen cidanka Yaman.

Hogaamiyaha Xuutiga ayaa sheegay in salafiyiinta Sucuudiga la cayrsan doono oo ayna ka guulaysan Karin reer Yaman.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS