November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Hogaamiyaha Jejniya oo raga gobolkaasi u sheegay in haweenkooda ka ilaaliyaan aalada Whatsapp sabab???

Jejniya–Hogaamiyaha gobolka Ruushka ka tirsan ee Jejniya ee aabihii ku helay madaxtinimada ayaa raga dalkaasi u sheegay in haweenka ka ilaaliyaan isticmaalka Whatsapp. Hadalkan ayuu ka sheegay telefishanka gobolku leeyahay ee isaga looga daba hadal. Dhacdadan ayaa dhacday kadib markii nin booliisa oo 47 jira uu guursaday gabadh 17 jira guurkaas oo reerkeedu diidey gabadhuse ogoleyd.

Guurkan ayuu taageeray hogaamiyaha Jejniya Kadrov,,waxa kadib dhacday in xanta guurkan laga maqley dibedaha waxna ay ka qoreen saxaafadaha in nin 47 jira guursaday gabadh 17 jira oo qoyskeedu diidey.

Wuxuu amrey markaa kadib in aan xaasaska loo ogolaan in ay isticmaalaan aalada Whatsapp si aan loo xaman raga,,,waxa laga soo xigtey xidha ha u ogolaanina dibedda markaas wax qori maysee”.

Hogaamiyaha ayaa iska difaacay dhaleecayn uga timi Ruushka taas oo uu ku sheegay in waalidkeedu ogolyahay ayna dhaafaan buuqa.

Waxa kale oo laga soo xigtey in uu sheegay in la ilaaliyo sharafta Jejniya,,,u dhaqma sida Jejniyiinta ilaaliya sharafta qoyska…Waxa ka jira gobolada Musliminta ee Ruushka dhaqan xun oo loo yaqaan sharafta qoyska kaas oo haday gabadhu ku xad gudubto keenta in la dilo…waxay dhaqan la wadaagaan wadamada Bakistaan,, Kurdiyiinta, iyo qaar ka tirsan Afganistaan.

_83008758_022449741-1[2] _83089150_027278633-1[1] _83099720_027241770-1[2]

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM