X

Hoobiyeyaal ay soo tuurtey kooxda gaaleynta Muslimiinta oo su’aalo badan ka dhasheen

Kooxda gaalaynta Muslimiinta ee Shabaab ayaa duhurnimadii maanta hoobiyeyaal ku weeraray Muqdisho taas oo dad badan su’aalo iska weydiiyeen. Qaar ka mida madaafiicdaa ayaa ku dusha uga yimi xarumaha dawlada ee ku yaal madaxtooyada.


Argagixisada laguma aqoon inau karti u leeyihiin inay si toosa u abaaraan goobta ay weerarka ku wadaan waxaana tudaale inoo ah kuwii kan ka horeeyay oo ay ku dileen shacab aad u farabadan.

“Far ayaa ku godan hoobiyahan maanta la soo tuurey ayuu yiri Kheyre Xirsi oo ahaa askari ka tirsanaa ciidanka qaranka Somaliyeed maxaa yeelay wuxuu ku soo dhacay goob baaxadle iyo xafiisyo dawladeed.


Laba mid ayay noqonaysaa in duligii Daacish ee Siiriya ka dagaalamay dalka soo galay iyo in gacan Afrikaan ku jirto laakiin koley maaha khibrad dhalinyaro Somaliyeed oo kaafiga iska dhaqi karin ay samaun karaan.

Dhinaca kale waxa iyasna fartu ku godantey xilliga ay sop tuureen oo ah duhurcad markaa waxay muujinaysaa in weerarkani yagay weerar gacmo shisheeye ku jiraan


Si kastaba ha ahaatee ma jiro cid wax ku noqotey aan ka ahayn xafiisyo burbur iyo siigo soo gaartey.

Ujeedada guud marka laga yimaado kuwa kor ku xusan ayaa ah in kooxdan dhiigmiiratada ahi rabto inay ku qariso xasuuqii iyo barakicintii ay ka gaysatey Muqdisho oo welli meydkii la soo faqayo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.