Hooyo Deeqa Maxamed Cabdi oo u warantey warbaahinta ayaa sheegtay in gabadheeda oo dhimirka wax ka qabta la kufsaday, waxayna rumeysan tahay in gurigeeda laga kaxaystey.
Dhacdadaan foosha xun ayaa imaanaysa xilli isla shalay magaalada Muqdisho gabadh ka qalinjabisay dugsiyada sare la kufsaday kadibna laga soo tuurey dabaqa shanaad.
Hooyo Deeqa oo aad u murugeysan ayaa warbaahinta u sheegtay in gabadheeda ay jirdileen laba nin maalintii Jimcihii kadib markii ay ogaatey inay maqneyd saacado.
Booliiska magaalada aya sheegay iyaguna inay qabteen mid ka mida raga lagu tuhunsan yahay kufsiga halka kan kalana uu baxsad yahay. Maaha markii ugu horeysay ee Butlaan ay ka dhacaan kufsiyo laga argagaxay.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS