X

Hooyo ka hadashay gabadheeda oo argagixiso xoog ku guursanayso

Kaafiya Salaad Jaamac ayaa ka warantey dhacdo aad u xanuun badan oo ku dhacday gabadh ay habaryar u ahayd oo laga afduubtey ilaa haddana la haysto. Gabadha la afduubtey oo lagu magacaabo Xaliimo Bedel Jaamac ayaa ahayd 19 jir.


”Waxa ila soo hadashay koox isku sheegtay Daacish kadibna dalbaday inay gabadha qasab ugu guuriyaan markaan telfoonka ku demiyayna waxay ku hanjabeen inay afduuban doonaan ayay tiri Kaafiya Jaamac.


Waan iska dhayalsaday ilaa subaxii dambe ee ay dugsiga u lugeynaysay dhexda laga qaatay ilaa haddana ay la maqan yihiin. Mar ay la soo hadleen aabaheed ayuu ku yiri anaa idiin guurine bal cidiina ii keena waase ku damiyeen telfoonka.



Dhacdadaan aadka naxdinta u leh ayaa dadka deegaanku aad u hadal hayaan, ayadoo ayna cusbayn gabdho xoog lagu guursado ama la afduubto.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.