Hooyo ka hadashay gabadheeda oo dhaqtarad ahayd argagixisaduna ku xasuuqdey Sabtigii magaalada Muqdisho halkaas oo dhimashadu marayso 280 qof oo Muslimiina oo ay dhiigooda xalaashadeen.
Alle ha u naxariiste Drs’Maryan Cabdulaahi waxa ay aheyd gaber leh mustaqbal wanaagsan iyo rajo ay ku farxeen waalidiintii waqtiga kusoo bixiyay waxa ay dhameysay heerka koobaad ee waxbarashada Jaamacada taas oo dhiira galin u sameysay Walidiinteda.
Rajada Wanaagsan ee Drs’Maryan kaso kow waxa sugaya walidiintii dhalay oo mudo lix sana ah ayey soo dhiganeysay jaamacada saacada ayaa kadib waxa la qorsheynayay iney dhacdo xaflada qalin jabinta jaamacada oo lagu waday iney qabsoonto 15’bisha balse nasiib daro waxa ay ku shahiidey xasuuqii argagixisada.
Hooyo Hindiyo Yuusuf oo ah hooyada dhashay alle ha u naxariiste Drs’maryan Cabdulaahi ayaa shegtay iney aheyd shaqsi aqlaaq iyo wanaag ay kuso barbaarisay laga soo bilaabo aas aaskii nolosheda aynu ka fakireysay iney hormar gaari doonto gabadheda.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay