X

Hooyo ka soo jeeda Jabuuti oo lagu helay inay sheegatay Somaliya

Waxa dalkaasi Norway laga soo masaafurinayaa hooyo Somaliyeed oo wadata shan caruura kadib markii dacwadeeda laga helay wax isdaba marin. Turjumaanada Somalida ayaa u sheegay in haweenaydu ka soo jeedo Jabuuti laakiin isku dhiibtey inay Soomaaliya ka soo jeedo.


Wax cusub maaha in Somalida xorta ah iyo kuwa la haysto iyo Jabuuti ay dhamaantood sheegtaan inay ka soo carareen dagaalada Somaliya isku dhiibaan inay Somaliya ka yimaadeen.

Waxase baryihii dambe soo baxay turjumaano lacag ku qaata inay xaasidaan kadibna qarxiyaan, halka saxda ee ay ka soo jeedaan.

Hooyada ninkeeda iyo Caruurta shanta ah ayaa amar lagu siiyey iney dalka Norway ka baxaan dibna ugu laabtaan Jabuuti waxaana loo raaciyay inaysan dib ugu soo laaban karin Norway.


Hase ahaatee qoyskan waxay racfaan ka qaateen go’aankaas maadaama Hooyadan oo 36 jir ah ninkeeda uu ka tirsan yahay mucaraadka Dalka Jabuuti dhibaatana ay kala kulmi karaan hadii ay ku laabtaan dalkooda.

Somalida geeska ayaa markay tagaan wadamada Yurub isku wada dhiiba inay Somaliya ka yimaadeen kadibna calamada maamul jufeedyadooda la soo baxa.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.