Hooyo Fartuun Cabdi ayaa jaraa`idka Dagbladet ee kasoo baxa dalkaasi Norway ee lagu magacaabo Dagbladet u sheegtay in nin kii cunsuriga ahaa ee dhibay uu shalay gurigeeda ugu yimid islamarkaana uu raalli geliya.
Raalli-gelintan aya yimid kadib markii saxaafada dalkaasi qaar ka mid ahi ay warbixin ka qoreen hooyadan soomaaliyeed ee mudada bilooyinka ah dhibka ku qabtay dariskeeda cunsuriga ah iyo xaaskiisa.
Shalay ayuu ii yimid oo waxa uu i yiri raalli ahow, anna waxa aan iri OK. Waxaan doonayaa in aan ammaan helo. Hadda nolosheyda waan sii wadan karaa oo ma doonayo in aan ka guuro Sunndal oo aan aad u jecel nahay”, ayay ku tiri hooyo Fartuun jaraa`idka Dagbladet.
Dhanka kale duqa degmadaasi Ståle Refstie (sawirka hoose) oo arrintan ka hadlay ayaa sheegay in waxa dhacay aan la aqbali karin, uuna doonayo in uu la kulmo Fartuun.
Sidoo kale booliska oo ay ku dacweysay hooyo Fartuun ayaa iyana arrinta soo farageliyaya, waxaana ay la hadleen ninka dhibay kaas oo ay uga digeen in uu sii wado dhaqankaasi.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS.COM

Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay