X

Horjoogaha Somalilaan oo iskaga darsaday muddo xileedka

Horjoogaha Somalilaan Muuse Biixi ayaa iskaga darsaday muddo xileedka bilaa hadal taas oo muujinaysa inaan waxba ka jirin iska hadalkii C/raxmaan Ciro. Horjooge Muuse Biixi oo fashilmay ayaa lagu qasaaray intii uu fadhiya booska maamul jufeedkan.



Golaha guurtida oo iyagu fadhiya ku cuna lacagta muddo xileedkooduna dhacay beri hore ayaa iyaguna iskaga darsaday 5 shano. “Waaba maamul jufeed layskaga darsanayo intii la rabo ayuu yidhi Xuseen Warsame.


Horjooge Muuse Biixi ayaa diiday inuu doorashada qabto waayo wuxuu rabay inuu iskaga darsado waana yeelay wuxuuna ogyahay buhuubahaada C/raxmaan Ciro ayuu raaciyay Xuseen Warsame.

Ku darsashadan ayaa imaanayaan xilli taageereyaadha gooni goosadka ay ku jiraan xilli xun iyo sixir barar xadhkaha goostey.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.