X

Kumanaan calooshood u shaqaystayaal oo go’doomiyay ciidanka Ruushka

Xulafada Maraykanka ku daba tukata ayaa Yukrayn soo geliyay kumanaan calooshood u shaqaystayaal oo u dagaalam Yukrayn. Ujeedada ayaa ah in la sii wado tiro badnaanta lagu wajahayo Ruushka. Calooshood u shaqaystayaasha ayaa midkiiba la siinayaa 2000 oo doolar iyo daawadiisa.



Calooshood u shaqaystayaashan ayaa ciidanka Ruushku u soo baneeyay dhul balaaran oo ka tirsan bariga Yukrayn kadib markii lagu khiyaameeyayay inay yihiin ciidan dhan walba jooga.

Ruushka oo aan ka fiirsan ayaa si fudud uga baxay dhul aad u balaaran bilowgii bishii hore. Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya degmada Liiman ee bariga dalkaasi ayaa waxa hareereeyay ciidan kumanaana oo u badan calooshood u shaqaystayhaal ku hubaysan qoriga AK47.




Waxa dhici karta in ciidanka Ruushku ka baxo degmadaas oo ay qabsadeen bishii shanaad ee isla sanadkan kadib dagaal guri ilaa guri aj oo socday bil.

”Maraykanku markuu si kale kula dagaalami waayay Ruushka ayuu adeegsanayaa calooshood u shaqaystayaal mana rabo inuu ciidankiisa dagaalka geliyo ayuu yiri Cali Calasow.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.