Horjoogaha Kiiniya dabada ku wadato ee Axmed Madoobe ayaa dalbaday in lagu soo wareejo gobolka Gedo oo ay ka soo baxayaan xildhibaano ka tirsan kuwa dawlada dhexe. ”Waxaan dalbanayaa in ciidanka dawlada dhexe laga saaro gobolka Gedo ayuu yiri Axmed Madoobe.
Doorashada kahor ayaa dawlada dhexe Axmed Madoobe u aqoonsatey inuu yahay horjooge ku meel gaara inta la helayo nidaam dadka gobolka iska leh fursad ugu heli karaan inay si xora u soo doortaan madaxdooda.
Amed Madoobe ayaa ku fashilmey inuu ka dhaadhiciyo Farmaajo in ciidanka dawlada laga saaro gobolka Gedo oo hadda si toosa u hoostaga dawlada dhexe.
”Heshiiska doorashada ee Farmaajo tanaasuley kuma jirto in ciidanka qaranka laga soo saaro gobolka Gedo ayuu yiri Cali Calasow.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay