X

Horjooge Muse BIixi oo loo sheegay inuu faraha kala baxo Taywaan

Horjoogaha fashilmey ee maamulka Somalilaan ayaa la kulmey safiirka Shiinaha u fadhiya Somaliya oo muddo Hargeysa ku sugnaa. Muuse Biixi oo Taywaan ku tiri hala kulmin safiirka ayaa hadda diidey talada
Taywaan.


Safiirka Shiinaha ayaa gudbiyay fariin ah in Muuse Biixi ka baxo ariaha Shiinaha ee uu ku ekaado gooni goosadkiisa iyo cidii kale ee ictiraaf siinaysa sida Ingiriiska iyo wadamada uu dabada ka riixayo inay ictiraaf siiyaan gaar ahaan Afrika.

Muuse Biixi ayaa codsaday in Shiinuhu ka caawiyo cudurka Kooro, u dhiso wadada Burco iyo Berbera iyo Oodweyne, iyo maahaariic laga fuliyo deegaanada Muuse Biixi. Safiirka Shiinaha ayaa la sheegay inuu warkaas qaadi doomo.


ā€¯Waxaan rabnaa inaan ka faiideysano sharci Maraykanku soo saaray oo sheegaya in la caawiyo wadamada xirii la samaysta Taywaan ayuu yiri nin magaciisa qariyay oo jooga madaxtooyada Muuse Biixi.

Si kastaba ha ahaatee Taywaan ayaa codsanaysa in Muuse Biixi diido amarka Shiinaha.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.