X

Ruushka oo diiwaan gelinaya daawadii ugu horeysay ee cudurka Koroona

KAZAN, RUSSIA - MAY 8, 2020: A medical worker handles blood samples at Tatarstan's Republican Clinical Hospital admitting patients with suspected or diagnosed coronavirus infection. Yegor Aleyev/TASS Ðîññèÿ. Êàçàíü. Ìåäèöèíñêèé ñîòðóäíèê â ëàáîðàòîðèè âî âðåìÿ òåñòèðîâàíèÿ àíàëèçà êðîâè â Ðåñïóáëèêàíñêîé êëèíè÷åñêîé áîëüíèöå, ãäå îêàçûâàþò ïîìîùü ïàöèåíòàì c êîðîíàâèðóñíîé èíôåêöèåé èëè ïîäîçðåíèåì íà íåå. Åãîð Àëååâ/ÒÀÑÑ

Wasaarada caafimadka ee dalkaasi Russhka ayaa sheegtay inay diiwaan gelin doonaan daawo looga hortagayo cudurka Kooro (Koroona) usbuuca soo socda. Waaxda baadhista ee jaamacada Moosko ayaa tijaabooyin badan kadib ku guulaystay helista daawada.


Waa daawadii u horeysay ee si rasmiya loo diiwan geliyo ee looga hortagayo cudurka Koroona ee aduunka kala xidhey, xilli walaac laga muujiyay inuu Afrika si aada ugu fidayo ama aan laga hayn tirokoob saxa dadka uu hayo.

”Usbuuca soo socda ama bishan 12-keeda ayaan diiwaan gelin doonaa daawada Koroona, waxaanan muhiimaada koowad siin donaa oo aan talaali doonaa dadka waaweyn, dadka ka shaqeeya xarumaha caafimaadka ayuu yiri wasiirka cafimaadka ee dalkaasi Ruushka.


Waxaa xigi doona talaal caama oo dadkoo dhan la siin doono bisha Oktoobar ayuu yiri wasiir Giridneef.

Hadalka ka soo yeeray wasiirka waxa ka niyad jabay reer galbeedka oo durba xaqirey daawada looga hormaray, ayagoo raba inay iyagu noqdaan kuwa looga dambeeyay baadhista cudurada.

Tijabada daawada ayaa bilaabantey bishii lixaad ee sanadkan waxana ka qayb qatey 38 qof oo dhamantood la sheegay inay is-difaac u samaysay.


Guusha ay Ruushku sida degdega ah ugu soo saareen daawada ayaa khabiir caabuqa ku takhasusay sheegay baadhis ay 20 sano wadeen oo ay ku ogaanayeen sida caabuqu u kala gudbo.

Wadamada kale ee Yurub iyo Amerika ayaa iyaguna daawooyinkoodu wadada ku soo jiraan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.