X

Horjooge Muuse Biixi oo eryay fanaanad ka heestay xisbiga Wadani

Fanaanada Sahra Ilays oo hore loogu qabsaday inay heeso aan xaqaaiqa ka turjumin u qaado maamulka Somalilaan ayaa maanta xaqiiqada soo taabatey markii horjooge Muuse Biixi ku tuntey xuquuqdeeda.



”Fanaanada ayaa sheegtay inay ka mid ahayd askarta mamulka laakiin sida mmuuqata waxa maanta la tusay in wax la yiraa askar qaran aanu jirin ee maamulka qolo leedahay. ”Waxaan leehay Muuse Biixi sidaa fanaaniinta ha ula dhaqmin ayay weli ku calaacalaysaa.

”Subax hore ayaan tagey xerada kadibna waxyar kadib ayaa la ii yeeray oo laygu yiri waad heestay hadda ka noqo iyo kama noqonayo dee waad naga fasaxan tahay ayaa lagu yiri.


Fanaanada oo ayna cid u joogin Hargeysa dhowr marna loo sheegay inay ka soo jeedo Itoobiya ayaa la filayaa in heeso loo dhiibi doono, waxase laga baqayaa in horjooge Muuse Biixi u soo diro dad garaaca.

”Waa maamul jufo waxaanad ka garan kartaa sida qudhmuun ee gabadha loo eryay ayuu yiri Xuseen Warsame.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.