Horjoogaha maamulka Somalilaan Muuse Handaraab ayaa Ka gariirey jabhad kale oo dib uga qaraxdey gobolada Sool, Sanaag iyo Can (SSC). Jabhaddan SSC oo hore uga dilaacday goboladaas ayaa siyaasiyiintii markii hore aasaasay ay isku dhiibeen Siilaanyo.
Horjooge Muuse Handaraab ayaa hadda waxa Ku qarxay ilaa Laba jabhadood inkasta oo tan ugu adag ay hadda fadhido gobolka Sanaag uuna hogaamiyo Korneyl Caare.
Jabhadaha badankooda ayaa Ka siman hal qodob oo ah inayna rabin in jufo kale maamusho taladooda iyo masayrkooda inkastoo mida Caare ay iyadu rabto cadaalad ay Ka dhex hesho Isla maamulka.
Jabhaddan dib u dilaacday ayaa sheegtay in Muuse Biixi kula dagaalami doonto gurigiisa, waxase aan la saadaalin karin halka ay weerarka Ka bilaabi doonto xillii siyaasiyiinta goboladani kolba dhinac u ordaan.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS