November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Horjooge Muuse Biixi oo laga qabtey caymis uu iska saxiixday

Horjoogaha maamulka Somalilaan ee magaalada Hargeysa ayaa la sheegay in wasiiro isaga ka socda ay sheegeen inay caymis qasaba iska saxiixdeen taas oo dad badan u arkeen inuu rabo inuu ka gaadhsiiyo muddada u hadhay lacagna kaga gurto gaadiidleyda.



Haddaba gudoomiye C/risaaq Khaliif Axmed oo arintaa warbaahinta horjooge Muuse Biixi ka maqlay ayaa sheegay inayna dhacayn ayna tahay riyo uu iska soo rogtey.




“Waa tuuganimo aan sharci ahayn mana qaadi karaan caymis sharci daro ah, goobta waxaas sharci ka dhigaysaana waa golaha wakiilada ayuu yidhi C/risaaq Khaliif Axmed. Maaha markii ugu horeysay ee uu iska qorto Muuse handaraab waxaan jirin iskana xidho shaqsiyaadka diidan fikirkiisa iyo maamulkiisa.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS