X

Horjooge Muuse Biixi oo loo sheegay inuu Tigreega soo gacan geliyo

Kadib markii looga yeeray Addis ababa horjooge Muuse Biixi ayaa waxa la is dhexmaraayay warar badan oo intooda badan ayan run ahayn sida in Itoobiya kordhinayso saamiga ay ku leedahay dekedda Berbera.


”Waxa hadda loo sheegay inuu soo gacan geliyo Tigreega lagu hayo xaafadaha Muuse Biixi ee magaalada Hargeysa haddii kale xiriirka laga fiirsan doono ayuu yiri nin gacanyare u ah Muuse Biixi oo magaciisa qariyay.


Itoobiya ayaa sidoo kale u yeeraysa gudoomiyaha xisbiga Wadani C/raxmaan Ciro ayadoo aan la sheegin fariinta lkale ee loo hayo. ”Waan ogaan doonaa waayo inuu wax qariyo maaha ayay yidhaaheen xerta C/raxmaan Ciro.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.